Ku codee HAA Su'aasha 1aad Xuquuqda Dayactirka Kiraystaha kahor Noofambar 3

Guryaha aan ku leenahay Saint Paul waa qaar ka mid ah kuwa ugu da'da weyn Minnesota. Qof kastaa wuxuu mudan yahay hoy ammaan ah oo tayo leh. Laakiin hadda, in badan oo dariskena ah ma helayaan dayactirka ay u baahan yihiin. Kiraystaha ama milkiilaha guriga, marka dadka deggan St. Paul ay arkaan wax u baahan in la hagaajiyo, waxaan rabnaa in qalabka lagu dhammeeyo. Qofna ma ahan in uu maxkamad u tago tuubo daadanaysa ama albaab jabay. Waxaan rabnaa oo keliya inaan hagaajinno oo aan hore uuga soconno!

Xuquuqda Dayactirka Kiraystaha wuxuu siiyaa kiraystayaasha qalab ay ku helaan hagaajin waqtigeeda ku habboon oo tayo leh oo loogu talagalay dayactirka loo baahan yahay ee guryahooda iyo in la hubsado in aan wax ka qabanayno dhibaatooyinka yaryar ka hor inta aysan noqon kuwo waaweyn. Kani waa dayactirka guriga 101. Daadasho yar waxay noqon kartaa god saqafka ku yaal - ka dibna caaryada madow (black mold).

Sida ay u shaqeyso:

  1. Sii mulkiilaha ogeysiis qoraal ah oo ku saabsan in dayactir loo baahan yahay.

  2. Haddii mulkiilaha gurigu uusan qabsan ballan ama uusan dhameystirin dayactirka 14 maalmood gudahood, shaqaaleysii xirfadle shati haysta ama adigu hagaaji.

  3. Kharashka dayactirka ka jaro kirada, ilaa $500 ama kala bar kirada hal bil, midkii markaa weyn.